4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Maamulaha shirkadda Dahabshiil oo la kulmay raysal wasaaraha Britain
 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) - Cabdirashiid Ducaale, maamulaha sare ee shirkadda Dahabshil, ayaa la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson.

Cabdirashiid Ducaale oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa raysal wasaaraha Britain ku sifeeyay inuu yahay shakhsi Soomaalida aad u xiisaya islamarkaana aqoon badan u leh arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay kawada hadleen horumarka dhaqaalaha iyo isugu gudubka wadamo badan oo Afrikaan ah iyo UK.  

Maamulaha Dahabshiil oo wax laga weydiiyay saameynta ganacsiga uu ku yeelanayo ka bixiyaanka UK ee midowga Yurub ayaa sheegay in  saamayntaasi la dareemidoono bisha koowaad ee sannadka cusub.

Wuxuu sheegay shirkadda Dahabshiil oo ka shaqeysa 120 waddan in uu saamayn aan badnayn ku yeelandoono go'aanka UK, islamarkaana ay isbedeli doonaan sharuuc badan oo horey loogu shaqayn jiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]