4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Jadwalkii ay dhawaan soo saareen guddiga doorashooyinka oo aan dhaqangalin

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL) -Maanta ayeey ku egtahay waqtigii ay guddiga doorashada u qabteen madaxda dowlad gobolleedyada in ay ku soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Qoraal kol hore ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka loogu dalbaday madaxda dowlad gobolleedyada in ilaa 29ka bisha December, oo maanta ku beegan ay soo gudbiyaan liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka sare, taasoo aan wali dhicin.

Waxaa muuqata in mar kale uu dib u dhac ku iman karo jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada gaar ahaan Aqalka sare, waana qeyb ka mid ah khilaafka wali ka taaggan doorashada.

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan wali dhankooda soo magacaabin xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]