4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Qarax ay ku dhinteen Shan ruux oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL)  -  Inta la xaqiijinayo ilaa  5 ruux oo rayid ah oo ay ku jirto Hooyo iyo iyo ilmaheedi oo labo bilood jiray ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degmada Dhoobley.

Dadkan ayaa lagu waramayaa in ay Miino la kacday gaari ay la socdeen oo waqtigaa ku sii jeeday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada sida ay warbaahinta u sheegeen mas'uuliyiinta degmada.

Gaariga oo ka baxay deegaanka Qooqaani ayaa dadku dhintay waxaa ay ka koobnaayeen saddex Rag ah, Hooyo iyo Ilmo yar oo ay dhashay.

Qaraxyada noocan ah ayaa ku badan guud ahaan marka la eego gayiga Soomaaliya iyadoo waxyeellada ugu badanna ay ka soo gaarto dadka rayidka 

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxan lagu beegsaday dadka shacabka ah ee waddada ku safrayay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]