4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 29, 2020
Xildhibaan Goodax '' Dowladda waxey go'aansatay in Gobolka Hiiraan u adeegsato farsamadii isticmaarka

 

Talaado, December, 29, 2020 (HOL)  - Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay xaalada gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in magaalada Beledweyne gashay marxalad cusub, isaga oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay shacabka gobolka ku dhaqan u adeegsaneyso farsamadii uu isticmaarku adeegsan jiray

Wuxuu uga digay dowladda Soomaaliya in ay joojiso sida uu hadalka u dhigay ''Ciqaab Wadareedka lagu hayo'' bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan'' Farsamadan cusub ee dowladdu u isticmaaleyso shacabka reer Hiiraan, waa farsamadii isticmaarku adeegsan jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Hiiraan Online.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in dowladda Federaalka marnaba looga hari doonin sida uu hadalka u dhigay falalka ay ka geysaneyso magaalada Beledweyne lagulana xisaabtami doono.'' Haddii ay  xaaladu sidan ku sii socto oo caburinta shacabka sidan loo sii joogteeyo ogaada in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne oo dad badan maxkamad loo soo taaggi doono'' ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay.

Beledweyne ayuu ku tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay ka dhigtay xabsi kor ka furan oo waliba dadka lagu xabadeeyo, iyadoo dhinaca kalana la saaray cunaqabateyn dhinaca nolasha ah.

Hadalka Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa imanaya xili labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne ku jirtay xaalad adag oo dhinaca nabad-galyada ah kaddib markii ay bulshadu ka horyimaadeen xarig lagula kacay dhalinyarro ka soo horjeeda hannaanka dhismaha maamulka Hirshabeelle kuwaa oo looga hortagay rasaas culus oo sababtay dhaawaca dad rayid ah, waxaana magaalada Beledweyne jooga oo ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Xusseen Afrax.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]