4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Xulka gobolka Banaadir oo tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo Banaadir ka reebay xulkii koonfur galbeed


Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Banaadir ayaa galabta iska xaadiriyay fiinaalka tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo haatan maraya heer gabagabo ah.

Xulka gobolka Banaadir ayaa 3-1 uga badiyay xulka kubada cagta koonfur galbeed, kadib cayaar xiiso badnayd oo kusoo idlaatay garoonka kubada cagta ee Ingineer yariisow (Ex-koonis Stadium).

Xulka gobolka Banaadir ayay u noqonaysaa markii ugu horaysay oo ay tartankaan gaaraan heerka kama dambeysta ah, waxaana labadii tartan ee hore lagu reebay marxalada ay galabta kasoo gudbeen ee Semifinal-ka.

Banaadir waxay 30-ka bishaan ka hortagi doontaa xulka Galmudug oo shalay galab kasoo gudbay kooxdii matalaysay dowlad goboleedka Puntland oo kamid ah kooxaha horey ugusoo guulaystay tartankan saamaynta ku leh koobka.

Tartankan oo soo bilowday sanadkii 2016 ayaa la qabtay saddex goor oo kala ah, 2016, 2017 iyo 2020, labo jeer oo kamid ah waxaa ku kala guulaystay Puntland iyo Jubbaland. hadana wuxuu dhexyaala Galmudug iyo Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]