4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Puntland oo garoonka diyaaradaha Bosaso ku wareejisay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka
 

Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Wasiirka duulista Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa magaalada Dubai ee isku tagga imaaraatka Carabta ku saxiixay heshiis ay Puntland ku wareejinayso maamulka garoonka diyaaradaha Bosaso.

Shirkadda TISL ee laga leeyahay Dubai ayaa si rasmi ah ula wareegidoonta madaarka Boosaaso, balse lama sheegin muddada ay maamulidoonto iyo dhaqaalaha ku baxaya heshiiskaan.

Puntland waxay sheegtay in shirkadda TISL ay Hormarin iyo ballaarin ku sameynayso madaarka Boosaaso, kaaso billaaban doona bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2021, waxaana uu dhameystir u yahay Heshiis ay horey u galeen Puntland iyo shirkadda TISL.

Waa shirkaddii labaad oo laga leeyahay dalka Imaaraatka oo la wareegaysa mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan dakhliga. Shirkadda DP-world ayaa horey ula wareegtay maamulka dekeda Bosaso.

Heshiiskaan cusub ayaa kusoo aadaya xilli aad looga walaacsan yahay dekeda Bosaso oo tan iyo markii lagu wareejiyay DP-world aan laga soo sheegin wax la taaban karo oo horumar ah oo dekedda ku siyaaday.

Madaarka Bosaso oo sanadkii 2016 xarriga laga jaray kadib dib u casriyayn lagu sameeyay, ayaa kamid ah garoomada ugu ballaaran Soomaaliya, balse nasiib darro weli ma helin suuq caalami ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]