4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Yuusuf Dabageed " ma dooneyno inaan Abuukar Xuud ku dilno saad wax u taban kartaa"
 

Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay Janaraal Abuukar Xuud uu ka baxay balamo ay wada galeen.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in wali aay diyaar u yahiin maamulka Hirshabeelle iney ka qanciyaan tabashada uu qabo Janaraal Xuud isaga iyo beeshiisa iyo cid walba oo tabasho qabta sida uu hadalka u dhigay.

"Anaga ma dooneyno inaan Abuukar Xuud meesha uu dagan yahay ku weerarno ama aan ku dilno tabasho ayaad naga qabta mana ku dileyno ee wali waxaan diyaar u nahay inaan si nabad ah uga qancino tabashadiisa Abuukar Xuud isago baaburkisa wata oo Calan sharci darro ugu xiran yahay ayuu Baladka soo galay wasiirka ayaana gurigiisa ku marti qaaday waxwalbo aay ku balameena wuu ka baxay " ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale iska fogeeyay warar sheegayay inuu lahaa amarka lagu xiray dad shacab ah oo maalintii sadaxaad xabsiga ku jira waxuuna sheegay in dadkaasi ay soo xireen Saraakiisha amniga Baledweyne loona soo xirxiray dambiyo la xariira qalqal galinta amaanka Baledweyne ayuu yiri "Yuusuf Dabageed"

Waxuu sidoo kale sheegay "dadkii ku dhaawacmay bananbaxyaashii shalay ee rasaasta lagu furay iney masuuliyeeda qaadanayaan dadkii soo abaabulay banaanbaxaasi iyada oo aan laamaha amniga laga heysan wax ogolaasho ah " ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyn hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa imaanaya xili 7 qof oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaano Baledweyne oo labadii maalin ee u dambeysay ku xirnaa Saldhiga Booliiska Baledweyne maanta loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Baledweyne kuwaas oo lagu eedeyay qalqal galinta amaanka Baledweyne waxaana ka mid dadkaasi afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan Cabdiraxmaan Xuubeey.

Todobada qof ee Xabsiga dhexe maanta loo gudbiyay ayaa lagu kala magacabaa:-

1. Cali Daahir Xerow  

2. Dhagaweyne Astaani

3. Cabdiraxmaan Xuubey

4 .Barre Caraboow

5. Xasan Cabdiraxmaan

6.Camaloow Cali Geeddi

7.Cabdi Dhafe isaaq

Ugu dambeyntii bulshada ku dhaqan Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya xariga iyo caburinta lagu haayo shacabka reer Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]