4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Taabit Cabdi '' Beledweyne xal maangal ah ayeey dalbaneysaa ee xabad uma baahna

 

Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed  ayaa si adag uga hadlay xaalada magaalada Beledweyne isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dabaabaad ciidan loo adeegsado shacab dibadbaxaya.

'' Lama akhbali karo in muwaadiniin darreenkooda cabiraya dabaabaad la hordhigo rasaasna lagu harqiyo, halkii loo baahnaa in cabashadooda la dhageysto ayuu yiri'' Taabit Cabdi Maxamed.

Wuxuu sheegay in wax lagu xumaado tahay in ciidamadii Qaranka ee u dhaartay in ay ilaalinayaan xaqa muwaadinka ay bilaabeen in ay sidii cadow oo kale ula dhaqmaan dadka rayidka ah  isaga oo yiri''  Dadka Soomaaliyeed ma aha dad qoor qabad biyo ku cabaya, Beledweyne waxey dalbaneysaa xal maangal ah ee xabad uma baahna''.

Hadalka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi Maxamed ayaa imaneysa xili maalinitii shalay magaalada Beledweyne ka dhaceen dibadbaxyo sababay dhaawaca ilaa saddex ruux oo rayid ah, dhinaca kalana wali xabsiga ku jiraan dhalinyarro loo xirxiray afkaarta iyo aragtida ay aamisan yihiin oo ah in ay ka soo horjeedaan maamulka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]