4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Warar dheeraad ah oo ku saabsan toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho

 

Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Ilaa saddex ruux oo lagu sheegay in ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa toogasho lagu dilay degmada Waabari , gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundooyinka sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in mar kaliya ay rasaas ku fureen saddexdan ruux ee ka tirsanaa ciidamada dowladda iyaga oo intaa kaddibna goobta isaga baxsaday.

Ragga toogashada geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari yar oo kuwa raaxada ah oo markii danbana ay ku baxsadeen, iyadoo saddexda Askari ee la dilayna ka tirsanaayeen hay'adda nabad-sugida Soomaaliya.

Goobta ay toogashadani ka dhacday ayaa la sheegay in ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaanno halkaa ka sameeyay, laakiin uma aysan suurtagalin ay qabtaan kooxda dilka ka danbeysay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]