4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble'' waxaan diyaar u nahay in aynu la fariisano cid kasta oo tabasho ka qabta doorashada

 

Isniin, December,  28, 2020 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta ka biyo-diidan doorashada, isaga oo sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay qacinta cid kasta oo tabasho ka qabta doorashada.

''Waxaan leeyahay albaabkeygu waa idin furan yahay cid kasta oo doorashada cabasho ka qabta, diyaar ayaan u ahay in aan si guud iyo si gaar ahba u xaliyo '' ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Rooble.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xaalada dalka ayuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is dajiyaan kuna kalsoonaadaa xukuumadda uu hoggaamiyo, isaga oo balanqaaday in ay dalka ka dhici doonto doorasho hufan oo loo siman yahay.

Hadalka Ra'iisal Wasaaraha ayaa imanaya xili wali khilaaf weyn uu ka jiro hannaanka loo marayo doorashada dalka, dhinaca kalana guddiga doorashadu ay soo saareen jadwal muddo kooban ku soo dhameystiraya doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]