4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Booliiska Mareykanka oo shaaciyay magaca qof looga shakisan yahay qaraxii Nashville

 

Isniin, December,  28, 2020 (HOL) - Booliiska dalka Mareykanka  oo adeegsanaya maadada DNA  ayaa shaaciyay magaca qof looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay qaraxii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Nashville 

Qofkan ayaa qaraxa u adeegsaday gaari xamuul ah waxaana ay Booliisku sheegeen in ay ku dhaawacmeen ilaa saddex ruux.

Anthony Quinn Warner  oo ah 63 sano jir ayeey sheegeen  Booliisku in uu yahay  qofka la tuhusan yahay, mana sheegin baaritaanku in ay jiraan tuhumanayaal kale oo dheeraad ah oo ku lug lahaa qaraxan

Qaraxa ayaa ka dhacay ilinka hore xafiiska isgaarsiinta magaalada Nashville waxaana uu qalqal ku keenay  isgaarsiintii ilaa  afar gobol.

Wali waxaa soconaya baaritaan arintan la xiriira inkastoo war bixintan ay soo saareen booliisku tahay mid hor dhac ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]