4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Banaanbaxyo khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne


Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Banaanbaxan oo ahaa mid aad u xoogan oo ay dhigayeen boqolaal dad weyne ah oo ka careysan xarig loo geystay shalay iyo maanta dad shacab oo ku xiran Saldhiga ciidamada Booliiska Baledweyne.

Ciidamada Booliiska magaalada Baledweyne oo doonayay iney ka hortagaan banaanbaxayaasha ayaa rasaas aay ku fureen waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo midi haweneey tahay kuwaas oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalada Baledweyne.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle waxayna ku dhawaaqayeen Hirshabeelle doonimeyno iyo erayo kale.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale wadooyinka waa weyn ee magaalada Baledweyne waxay tubeen oo ay ku jareen dhagxaan iyo geedo waxaana ilaa hada xiran wadad laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka gudaha magaalada.

Xaalada waa mid wali kacsan waxayna banaanbaxayaasha qaarkood oo la hadlay Shabakadda HOL ay sheegeen iney wadayaan dibadbaxa ilaa laga soo daaynayo dadka shacab ah ee ku xiran Saldhiga Baledweyne uu ka mid yahay afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan.

Baledweyne tan iyo markii lasoo dhisay Hirshabeelle bishii lasoo dhaafay ee Novembar waxay wajaheysay mowjado banaanbaxyo ah oo looga soo horjeedo hab dhismeedka labaad ee Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]