4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2020
Wadooyinka Baledweyne oo xiran iyo dad badan uu ku jiro afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo goordhaw xabsiga la dhigay
 

Axad, Deccember, 27, 2020 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa saaka ku soo toosay xaalad ka duwan xaaladahii hore kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM aay xireen gabi ahaanba wadooyinka waa weyn ee dhexmara Baledweyne.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka hakad galiyay guud ahaan isku socodka dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka ciidamadan ayaa ah kuwa si aad ah ugu hubeysan hubka culus iyo kuwa fudud iyo waliba gaadiidka gaashaaman kuwaas oo argagax galiyay shacabka ku dhaqan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamadan waxay soo qaqabteen in ka badan 10 dhalinyaro ah kuwaas oo lagu xiray saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne lamana oga ujeedka howlgalka xalay ilaa saakay ka socda Magaalada.

Dadka saaka ciidamada Booliiska xireen waxaa ka mid ah afhayeenka Golaha Samata Bixinta Hiiraan C/raxmaan Xuubeey iyo Cabdi Dhafe oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqaano Baledweyne.

Howlgaladan ayaa imaanaya xili shacab careeysan oo xalay wadadada dheer ee laamiga ah iskuna xirta magaalada Baledweyne iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif  aay ku jareen dhagxaan fara badan waxaana saaka la arkayay ciidamada oo dhagxaantaasi ka daldalaya wadada laamiga ah.

Ugu dambeyntii ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha laamaha amniga gobolka Hiiraan oo ku saabsan howlgalada aay ka wadaan gudaha magaalada ee aay kusoo xirxireen dadka shacabka ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]