4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Booliiska magaalada Baledweyne oo xabsiga dhigay shaqsiyaad caan ka ah Baledweyne
 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliiska magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xabsiga dhigay Cali Daahir Xeroow Cali Kuluc oo ka mid ahaa wariyaashii hore ee ka howl gali jiray Baledweyne iyo Xasan C/raxmaan oo loo yaqaano Xasan Habi ahna madaxa suuq geynta Shirkadda Korontada Baledweyne Dayax Power Supply.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay xariga labadan ruux oo ka mid ahaa shaqsiyaadka sida weyn looga yaqaano magaalada Baledweyne, inkasto wararka qaar ay sheegayaan in ragga maanta xabsiga la dhigay ay si aad ah uga soo horjeedaan fikir ahaan hab dhismedka Hirshabeelle.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii Booliiska Baledweyne ay xabsiga dhigeen laba ka mid ah wariyaasha Soomaaliyeed oo iyagana xarigoodu uu la xariiray wareysi ay kasoo qaadeen Janaraal Xuud oo ah hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan ee diidan jiritaanka Hirshabeelle.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baledweyne ayaa 24 saacadood ee ugu dambeysay howlgalo baaritaano guri guri ah ka sameynayay qaar ka mid ah xaafadaha Baledweyne kaasoo ay ku sheegeen Sarakiisha ciidamada in lagu xaqiijinaayo amaanka guud ee magaalada Baledweyne.

Howlagalada saacadaha badan qaatay ee ciidamada dowlada iyo AMISOM ka wadaan xaafadaha baledweyne ayaa sidoo kale la sheegaya in ujeedkiisu ugu weyn tahay sugitaanka aminga Baledweyne oo lagu wado in maalmaha soo socda ka qabsoonto doorashada Xildhibaanadda Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dadka ku dhaqan Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya xariga loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]