4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Guddoomiyayaaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe
 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta magaalada Garowe kusoo dhoweeyay guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi  iyo Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

Labada guddoomiye ayaa Garowe u tagay ka qeyb galka shirka aragti-wadaaga Soomaaliya oo todobaadkaan lagu qabandoono magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa qabanaya mac-hadka Heritage, waana markii ugu horaysay oo lagu qabanayo Soomaaliya meel kamid ah, iyadoo loo sababeynayo cudurka Karoona Virus awgiis. Dal Jabuuti ayaa lagu qaban jiray sanad kaste.

Shirkaan ayaa looga hadlidoona marxalada kala guurka Soomaaliya, waxaana isku arkidoona dadka siyaasada isku diidan sida dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo murashixiinta madaxtinimada.

Shirkaan kama qeyb galidoonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa, hase ahaatee waxaa la filayaa inay xukuumadu u soo dirsato raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca dowlad goboleedyada waxaa la sheegay inuusan kasoo qey galidoonin madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis laftagareen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]