4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Mudaharaad rabshado watay oo maanta ka dhacay magaalada Garowe
 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) - Mudaharaad rabshado watay ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee Puntland, halkaas oo ay iskugusoo baxeen boqolaal qof oo u badan haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo ka caraysan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

Mudaharaadyaasha ayaa laamiyada magaalada ku gubay taayaro iyo boorar uu surnaa sawirka madaxweyne Deni, waxayna ku qeylineen hal ku dhigyo ay kagasoo horjeedaan dhibaatada dhaqaale xumo ee ka dhalatay sicir bararka iyo lacagta shilinka Soomaaliga oo laga diiday isticmaalkeeda Puntland.

Ciidamada amniga ayaa mararka qaarkood u adeegsanayay rasaas si ay u kala eryaan mudahaaradyaasha oo maanta si duwan usoo bannaanbaxay, iyagoo carooda ku muujiyay rabshado ay ku sameynayeen goobaha danta guud.

Dhaqdhaqaaqii guud ee isku socodka magaalada ayaa hakad galay saacaddo, iyadoo laamiga bartamaha lagu gooyay dhagaxaan iyo taayaro la gubay, balse markii dambe ciidamada amniga ayaa ka wareejiyay oo furay wadada.

Puntland ayaa ku guulaysan la’a in ay wax ka qabato diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, waxaana dhaqan gali waayay awaamiir maamulka kasoo baxay oo ahaa in la socod siiyo lacagta la isticmaalo.

Puntland ayaa la filayaa in ay qaado tallaabo looga jawaabayo mudaharaadka maanta ka dhacay Garowe iyo cabashada dadweynaha.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]