4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Dowladda Jabuuti oo bilaabeysa dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka Diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia

 

Sabti, December, 26, 2020 (HOL) -  Dowladda Jabuuti ayaa loo xil saaray in ay yareyso sii socoshada khilaafka Diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada Dowladood Soomaaliya iyo Kenya kaddib kulankii dhawaan ugu soo dhamaaday wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah u direytay xadka labada dowladood si ay u soo eegto xaalada halkaa ka taaggan iyadoo xiisada xudduuda ay qeyb ka tahay arrimaha ugu waaweyn oo ay labada dowladood isku hayaan.

Maxamuud Cali  Yuusuf oo ah wasiirka wasaarradda Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in dowladiisu wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee muranku ka jiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkii ugu danbeeyay ee ku soo dhamaaday dalka Jabuuti waxaa cadaadis lagu saaray in ay soo dhameyso khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dalka Kenya, lagana heshiiyo dhamaanba qoddobada leysku hayo.

Kooxdan ay Jabuuti u dirtay xadka labada dal Kenya iyo Soomaaliya ayaa xogta ay soo helaan kula noqon doona dalka Jabuuti si halkaa looga sii waddo dadaallada dhax-dhaxaadinta ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]