4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 26, 2020
Wiil Dhalinyarro ah oo koox burcad ah u dishay Mobelkiisa gacanta magaalada Muqdisho

 

Sabti, December, 26, 2020  (HOL) Koox burcad ah ayaa la sheegay in xalay degmada Wadajir toogasho ku dileen wiil dhalinyarro ah oo la sheegay in ay ka qaateen Mobelkiisa gacanta.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Ciyoow Ganeey ayeey xaafadda Nasteexo ku weerareen koox burcad ah, hasse ahaatee muran kooban oo kala dhax-galay kaddib ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen.

Dadka Xaafadda Nasteexo oo falkan uu ka dhacay ayaa siweyn uga xumaaday dilka wiilkan dhalinyarrada ahaa, waxaana goobta  falku ka dhacay taggay oo baaritaanno ka bilaabay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho r ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo batay kooxaha dadka ka qaata telleefoonnadooda gacanta, waxaana ka dhashay falal isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]