4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2020
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Axdiga xaquuqda Shaqaalaha


Jimco,December,25,2020 (HOL) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay toddobo axdi oo qeyb ka ah heshiisyada urur weynaha Shaqaalaha Adduunka ee ILO kuwaas oo loo arkay in muhiim u yihiin ma'baadiida aasaasiga ah iyo xuquuqda shaqada.

Heshiisyadani waxay ilaalin doonaan xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed ee waddanka gudihiisa iyo dibadda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta 7-da axdi, isagoo ku sheegay dhacdo muhiim ah.

“Tani waxay ka marqaati kacaysaa sida ay Dawladda uga go’antahay xaquuqda iyo badqabka Shaqaalaha, waana arrin aan diiradda saarayno sidii loo horumarin lahaa.” ayuu ku daray Wasiir Duraan.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]