4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2020
Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe

 

Jimco, December, 25, 2020 (HOL) -War ka soo baxay taliska Howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Mareykanku duqeyn ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warkan ka soo baxay Africom ayaa lagu yiri'' Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya ayeey 24/12/2020 duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhaw degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexem  iyaga oo halkaa ku beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Weerarkan ayeey sheegeen in ay ku dileen sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab iyaga oo mid kalana dhaawacay, laakiin ma aysan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Weerarka ayaaa imanaya xili Mareykanku isku diyaarinayo in uu ciidamadiisa ka saaro Soomaaliya, balse waxaa jiri doona ciidamo kooban oo Mareykanka oo wali baaqi ku sii ahaan doona dalka, kuwaa oo gacan ka siinaya dowladda dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]