4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Xassan Sheekh '' Tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo waxey ka dhiggan tahay in Dastuurkii dalka la laalay

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabadii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay xeer dib u dhiggaya wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay saxixa madaxweynaha mid aan sharciyada meelna ku laheyn, isaga oo intaa ku darray in ay ka dhigan tahay in gabi ahaanba la laalay Dastuurkii dalka.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayuu Xassan Sheekh sheegay in dalkan aan lagu celin karin Digireeto wax lagu xukumo.

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta rasmiga.

Xasan Sheekh"Shalay labada aqal inay wadajir u kulmaan ayey aheyd oo ay ka hadlaan arinta dastuurka oo aan ka hadlay 12-kii bishan balse Farmaajo wuu hor istaagay xalayna digreeto aan sharci ahayn ayuu soo saaray"  

''Waxaan u argnaa in Digteetarnimada dhismaheeda uu dabaq kale ku sii darray, dalkan wuu ka soo gudbay xiligii lagu xumi jiray Digreeto ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Xassan Sheekh ayaa imanaya xili siyaasada dalku aysan degeneyn siweynna leysugu maan-dhaafsan yahay hanaanka loo marayo doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]