4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2020
Wariye Maxamed Cismaan Makaraan oo goordhaw lagu xiray Baledweyne
 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliska magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xabsiga dhigay guddoomiyaha Idaacaddaha ku midoobay magaca SOMA ahna milkiilaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cismaan Makaraan.

Xariga Agaasime Makaraan ayaa yimid kadib markii uu saakay ku booqday xabsiga Saldhiga Baledweyne wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo ay xalay isna xabsiga dhigeen ciidamada Booliiska Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariga wariye Makaraan inkastoo xariga wariye Dulyar lala xariiriyay wareysi uu shalay kasoo qaaday hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle Janaraal Abuukar Xuud.

Majirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Saraaakiisha madaxda Hirshabeelle iyo taliska ciidamada Booliska oo ku aadan xariga wariyaasha xalay iyo saakay lagu xiray Magaalada Baladweyne.

Ururada Warbaahinta Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay xariga wariyaasha Dulyar iyo Makaraan ay u geysteen madaxda maamulka Hirshabeelle oo la sheegay iney lahayeen amarka lagu xiray wariyaasha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]