4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 24, 2020
Wariye soo wareystay Jeneral Abuukar Xuud oo lagu xiray Beledweyne

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Wariye Cabdiqaadir Dulyar oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed safar shaqana ku yimid magaalada Beledweyne ayaa xabsiga la dhiggay kaddib markii uu maalintii shalay soo wareystay Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo dulleedka magaalada Beledweyne ku heysta xoogag ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Booliiska degmada Beledweyne ayaa xalay hotelkii uu ka deganaa kala baxay wariyaha iyo Nin kale oo dhalinyarro ah oo lago magacaabo Angoola oo safarka ku wehlinayay Wariye Dulyar.

Ilaa iyo hadda kama aysan hadal maamulka Hirshabeelle xariga wariyaha, balse wararku waxaa ay sheegayaan in loo heysto wareysiga uu ka soo qaaday Jeneraal Xuud oo uu ugu taggay bartaliskiisa deegaanka Ceelgaal ee dulleedka degmada Beledweyne.

Hiiraan Online