4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 24, 2020
Fanaankii weynaa Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka

 

Khamiis, December, 24, 2020 (HOL) - Waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacalwaan oo waayadii ugu danbeeyay lagu waramayo in uu dalkaasi ku xanuusanayay.

Fannaanka ayaa lagu waramayaa in uu toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku xannuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee Jarmalka isaga oo ku jiray xaalad miir dabool ah.

Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan siweyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.

Sidoo kale waxaa uu ahaa mulaxan, waxaa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaana uu ku biirey fanka Soomaaliyeed sanadkii 1965tii.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Fannaanka Cabdi Cali Bacalwaan oo siweyn loogu xasuusto heestii ''Midab Gumeysi Diida'' iyo qaar kaloo badan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]