4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Midowga musharixiinta '' Waa in madaxweyne Farmaajo loo aqoonsadaa Qaswade

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Midowga musharixiinta dalka ayaa si carro leh uga jawaabay jadwalka doorasho ee ka soo baxay  Guddiga doorashooyinka dalka ee aan wali leysku raacsaneyn.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaadi doono mas'uuliyada cawaaqibka ka dhalan kara doorasho aan leysku raacsaneyn oo dalka ka dhacda.

Guddiga doorashada ayaa soo saaray jadwal la xiriira hannaanka doorashada xildhibaannada Aqalka sare oo uu guddigu sheegay in lagu soo dhameystirayo 31 bishan December ilaa 6 bisha Janaayo sanadka 2021, 

Midowga musharixiinta ayaa Dowlad Gobolleedyada dalka, Bulshada Rayidka iyo Beesha caalamka intaba ugu baaqay in loo aqoosado Qaswade Madaxweyne Farmaajo meelna looga soo wada jeesto sida ku xusan qoraalka ay soo saareen. 

Qoraalka midowga musharixiinta 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]