4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyada dilka sarkaal sare oo Kenyaan ahaa

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay islamarkaana madaxa ka jartay guddoomiyihii deegaanka Gumarey oo ka tirsan degmada Wajeer gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Cumar Aadan Buul, , waxaa afduubtay Jimcihii Koox soo weerartay deegaanka kuwaa oo aaga ay ka afduubteen guddoomiyaha muxaadaro ugu qabatay dadka deegaanka sida lagu qoray warbaahinta dalka Kenya.

"Waa run in  guddoomiyaha  la waayey Toddobaadkii hore  Jimacihiina la helay madaxiisa oo kaliya  oo lagu tuuray meel waddada dhaceeda ah" ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska deegaanka oo diiday in magaciisa la xuso.

Sarkaal kale oo booliis ah ayaa yiri "waxaan soo helnay madaxiisa oo kale, waxeynu weyna jirka intiisa kale"."Tani waa hab dhaqankii Al-shabaab, waxaan raadineynaa jirka intiisa kale , waxaan rajeyneynaa in aan loo gudbin dhinaca kale ee xadka ," ayuu raaciyay hadalkiisa sarkaalkan booliiska ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda "dilka" iyadoo sii marineysa sheegashadan wakaaladooda wararka  sida ay sheegtay kooxda dabagalka Mareykanka ee SITE.

Kooxda ayaa sheegatay in ay gacanta ku dhigtay madaxii maxaabiista intii uu socday weerar ay kula wareegeen gacan ku heynta saldhig ay leeyihiin booliska Kenya.

Kooxda Al-shabaab ayaa ka wadda gudaha Soomaaliya  dagaal ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee amaanka kala shaqeeya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]