4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 23, 2020
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii shanaad ku dhawaaqay in uu musharax yahay

 

Arbaco, December, 23, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo muddo dheer soo maamulayay tallada dalka ayaa ku dhawaaqay in markii shanaad in uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadkii 2016ka markii afaraad ku guuleystay xilka madaxweynaha dalka Jabuuti, inkastoo doorashadaas ay dood weyn ka keeneen xisbiyada mucaaradka oo sheegay in ay ku shubasho dhacday.

Dad badan ayaa filayay in madaxweyne Geelle mar kale isku soo taagi doonin doorashada madaxtinimada, hasse ahaatee go'aankiisan danbe ayaa hadal heyn weyn ka dhax abuurtay bulshada reer Jabuuti.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]