3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in dib loosoo celiyo xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee go'ay


 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed kadib wada hadalo magaalada Jabuuti ku dhexmaray hoggaamiyaasha labada dal sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kalsooni ka muujiyay khilaafka u dhexeeya labada dal in si hoose loo xallin doono si labada dal ay dib ugu soo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay aqbashay codsigii urur goboleedka IGAD ee ahaa in arinta lagu xaliyo wada hadal iyadoo shuruud looga dhigay in la sameeyo koox xaqiiqo raadin ah oo baarta cabashooyinka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay xukuumada Nairobi toddobaadkii hore sababo la xiriira faragelinta siyaasadeed.

Soomaaliya waxay sidoo kale Kenya ku eedeysay inay hubaynayso maleeshiyaad ay ku abaabulayso xadka ay wadaagaan labada dal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected] 

 












Click here
12/22/2020 3:11 PM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika ayaa sheegay Talaadadii maanta.

12/22/2020 11:33 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Iyadoo dhawaan uu soo baxay war ku saabsan in dowladda Kenya ay degmada Mandera ku tababareyso maleeshiyaad weerara qeybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa waxaa arintaan ka hadlay bulshada ku dhaqan degmada oo dalbaday in laga saaro deegaankooda Cabdirashiid Janan iyo ciidamada uu watto

12/22/2020 5:55 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magalada Bosaaso.

12/22/2020 4:49 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Kaddib rabshadihii cuslaa ee dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horreysay kulan xasaasi ah Muqdisho ku leh midowga musharixiinta mucaaradka ah oo siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada.

12/22/2020 3:18 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya ay ku fashilantay Isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii urur goboleedka IGAD.

12/22/2020 12:50 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu iska horimaad culus xalay fiidkii ku dhaxmaray ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.

12/22/2020 12:33 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Saraakiisha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay helleen meydka Cumar Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa saldhiga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.