3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Bulshada Mandera oo ka dalbaday Kenya in Cabdirashiid Janan laga saaro deegaankooda

 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Iyadoo dhawaan uu soo baxay war ku saabsan in dowladda Kenya ay degmada Mandera ku tababareyso maleeshiyaad weerara qeybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa waxaa arintaan ka hadlay bulshada ku dhaqan degmada oo dalbaday in laga saaro deegaankooda Cabdirashiid Janan iyo ciidamada uu watto.

Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Kenya in maleeshiyaadkaas ay u tababareyso sarkaalkan lagu magacaabo Cabdirashiid Janan oo dhinaca kalana ah Wasiirka Amniga Jubbaland.

Bulshada ku dhaqan degmada Mandhera oo ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay joojiso tababarka maleeshiyaadkan la sheegay iyo in Cabdirashiid Janan muddo kooban looga saaro deegaankooda, iyaga oo intaa ku darray in ciidamada Janan uu hoggaaminayo fariisimo ka sameysteen beerro dad rayid ah leeyihiin.

Laakiin Cabdirashiid Janan oo kol hore warbaahinta la hadlay kaddib eedeyntii ka timid dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay in loo tababarayo maleeshiyaad, isaga oo taa badalkeeda sheegay in isaga iyo ciidamada uu hoggaaminayo u abaabulan yihiin in ay ilaaliyaan danta dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Gedo.

Shacabka reer Mandera ayaa sheegay in fariintooda la gaarsiinayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta sida ay ballanqaadeen maamulka degmada.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay waxaa xoogeystay khilaaffka dhinaca xudduuda Soomaaliya iyo kenya ka taaggan iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya halkaa ku dirtay ciidamo dheeraad ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
















Click here
12/22/2020 3:29 PM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed kadib wada hadalo magaalada Jabuuti ku dhexmaray hoggaamiyaasha labada dal sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

12/22/2020 3:11 PM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa illaa 2500 kamid ah ciidamadeeda badda ah geysay xeebta Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan daabulka 800 oo askari uu Maraykanka kala baxayo Soomaaliya, taliska Maraykanka Afrika ayaa sheegay Talaadadii maanta.

12/22/2020 5:55 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magalada Bosaaso.

12/22/2020 4:49 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Kaddib rabshadihii cuslaa ee dhawaanta ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horreysay kulan xasaasi ah Muqdisho ku leh midowga musharixiinta mucaaradka ah oo siweyn uga soo horjeeda hannaanka ay dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada.

12/22/2020 3:18 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) -Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Soomaaliya ay ku fashilantay Isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii urur goboleedka IGAD.

12/22/2020 12:50 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu iska horimaad culus xalay fiidkii ku dhaxmaray ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.

12/22/2020 12:33 AM EST
Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Saraakiisha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay helleen meydka Cumar Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa saldhiga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.