4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku qaabilay wafdi ka socday Koonfur Afrika


Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Lama sheegin ujeedada socdaalka wafdiga Koonfur Africa, hase yeeshee imaatinkooda Hargeysa ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor uu halkaas gaaray wasiirka arrimaha dibadda dalka Malaawi iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Maalmo ka hor madaxweyne Muuse Biixi ayaa socdaal qaatay dhowr cishe ku tagay dalka Kenya oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, balse tegitaankiisa waxaa si weyn uga carooday dowladda Soomaaliya oo arrintaas darteed xiriirka uga jartay dowladda Kenya. 

Somaliland, oo isku aqoonsan dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa ku dhawaad 30 sano ictiraaf ka raadinaysay dalalka adduunka, balse illaa iyo hadda kuma guulaysan in hal dal oo caalamka kuyaala uu aqoonsado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]