4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Dowladda Sacuudiga oo muddo toddobaad ah joojisay dulimaadyada caalamiga ah

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Iyadoo guud ahaan caalamka uu soo food saaray mar kale culey la xiriira caabuqa Coronavirus ayeey dowladda Sacuudigu joojisay gabi ahaanba duuliyaadkii caalamiga ee tagi jiray dalka.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in laga fiirsan doono dib u eegisna lagu sameyn doono socdaalka dhinaca badda ah ee soo gaala dalka Sacuudiga, iyadoo arintaa loo yeelanayo ka hortaga khatarta uu cudurkan Covid 19 ku hayo guud ahaanba dunida.

Waxaa ay sheegtay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga in duulimaadyada caalamiga ah ee horeyba ugu jiray dalka loo ogolaan doono inay ka baxaan.

Tallaabadan ay dowladdu qaadatay ayaa saameyn ku yeelan doona kumanaan muslimiin ah oo filayay in ay dhawaan taggaan Xaramka, mamnuucsitan duulimaadyda caalamiga ah ayaa noqon doonta mid ku eg muddo toddobaad ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]