4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Xeer ilalaliyaha guud ee Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dacwad loo haysto hay'adda cilmi baarista Sahan
 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay'adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay'adan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo Dowladda Soomaaliya ay horay ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda curyaaminta haylkalka Dowladdnimo, faafinta siraha amniga Dalka iyo Qodobo kale.

SAHAN waaxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]