4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Dowladda federalka Soomaaliya iyo Galmudug oo kulan ka yeeshay sidii jawaab degdeg ah looga bixin lahaa weerarkii ismiidaaminta ee Gaalkacyo
 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir degdeg la qaatay wasiiradda gaashaandhiga, amniga, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta Galmudug, kadib markii uu soo dhamaaday aaskii qaran ee Gaalkacyo loogu sameeyay saraakiishii lagu dilay qarixii Gaalkacyo.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo shirka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hoosta laga xarriiqay sidii jawaab ku haboon looga bixin lahaa weerarkii Alshabab ku dileen saraakiisha ciiddanka xoogga.

Wasiirka ayaa sheegay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhiga dowladda Soomaaliya in ay Gaalkacyo u yimaadeen sidii loo qaadi lahaa tallaabo ka dhan ah kooxda Alshabab ee ku sugan Galmudug.

“Runtii qorshe xooggan ayaa laga yeeshay sidii loogu aargudi lahaa saraakiishii ku shahiiday weerarkii argigixisadu ka geysatay Gaalkacyo, waxaan u sheegaynaa shacabka Galmudug in ay kusoo wajahan yihiin bishaarooyin waaweyn,” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Wuxuu sheegay wasiirku in Galmudug marnaba ka niyab jabidoonin dagaalka ay kula jirto Alshabab islamarkaana ay sii labo jibaaridoonaan shaqadii ay ka tageen saraakiishii hormuudka u ahaa dagaalka Alshabab looga sifaynayay Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]