4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi

 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibada Malawi Eisenhower Mkaka oo maanta gaaray magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, isaga oo dhinaca kale warbixin ka siiyay hormarada kala duwan ee Somaliland ay sameysay muddadii ay soo jirtayba.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibada Malawi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxda iyo shacabka reer Somaliland soo dhaweynta ay u fidiyeen, isaga oo sheegay in ka dowlad ahaan ku faraxsan yihiin homarada kala duwan ee Somaliland ay ku talaabasatay.

Booqashada wafdigan uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi ayaa imaneysa xili dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu kulan kula qaatay magaalada Nairobi madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada-hadaleen xoojinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo ku heshiiyay qoddobo dhowr ah.

Balse Dowladda Soomaaliya oo arintaa ka carreysan ayaa durbadiiba ku dhawaaqaday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay in ay fara-galin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidaa oo kale tallaabadan ay qaaday dowladda Malawi ayaa keeni karta sida ay dad badanni qabaan in Soomaaliya ka fiirsato xiriirka kala dhaxeeya Malawi, inkastoo wali wax war ah ka soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]