4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Cabdirashiid Janan oo iska fogeeyay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya

 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) -Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid xassan Cabdinuur Janan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maleeshiyaad uu hoggaaminayo lagu tababarayo degmada Mandera ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay tababar ku waddo sida uu hadalka u dhiggay maleeshiyaad uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan kuwaa oo doonaya in ay weerar ku soo qaadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan degmada BeledXaawo.

Cabdirashiid Janan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeynta uga timid dowladda Soomaaliya ee ah in uu maleeshiyaad ku uruursanayo degmada Mandera ee  dalka Kenya.

Janan ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna sheegay in uu joog  duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka u jartay dowladda Kenya oo ku eedeysay in ay fara-galin ba'an ku heyso arrimaha gudaha Soomaalia, laakiin Kenya wey iska diiday eedeyntaas.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]