4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Amaanka magaalada Gaalkacyo oo siweyn loo adkeeyay

 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana saacadihii ugu danbeeyay socday baaritaanno xooggan oo ay ciidamado ka waddeen qeybo ka mid ah magaalada.

Howlgalada ay sameynayaan ciidamada ayaa ka danbeeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada kaasoo galaaftay nolasha saraakiil sar sare, ciidamo iyo mas'uuliyiin hore.

Qaraxa oo ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ka soctay qabanqaabada soo dhaweynta Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa taliyihii qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Qooji-Dagaari.

Ciidamada ayaa wadda howlgalo iyo baaritaanno lagu baadigooyo dadkii ka danbeeyay weerarkan, inkastoo qofka weerarka fuliyay oo isku soo xiray walxaha qarxa uu ku dhintay isla goobta.

Waxaa uu ahaa qaraxii ugu weynaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]