4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Magacyada Saraakiisha iyo Mas'uuliyiintii ku dhintay Qaraxii Gaalkacyo iyo Dowladda oo ka hadashay

 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) -  Qaraxan oo uu fuliyay qof natii-hure ah ayaa galaaftay nolasha saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidamo iyo waliba mas'uuliyiin hore.

Saraakiisha Qaraxan ku dhimatay ayaa kala ah Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga dalka Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari), Taliyihii Ciidamada Danab, qeybta Galmudug, Col Muqtaar Cabdi Aadan.Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali.

Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ah Duqii hore ee degmada Gaalkacyo qeybta Puntland maamusho Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey) iyo qaar ka mid ciidamadii ilaalada ka hayay garoonka Cabdullaahi Ciise oo loo diyaarinayay soo dhaweynta Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Qofka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu soo dhax-galay saraakiisha iyo ciidamada oo uu si gaar ah u bartilmaameesanayay, waxaana mar kaliya goobta qabsaday dhawaqa Qaraxa oo ahaa mid aad u weynaa iyo Uuro cirka isku shareertay.

Dadkii goobta u taagnaa soo dhaweynta Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble intii ka badbaaday qaraxa ayaa mar kaliya goobta isaga cararay, halka qaar kalana bilaabeen in ay u gurmadaan dadka ay wax-yeeladu soo gaartay.

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijyay geerida saraakiishan sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raagge.

Taliya qeybta 21aad ee Qaraxan ku dhintay Gen Qooji-Dagaari ayaa siweyn caan uga ahaa guud ahaan marka la eego Gobollada Dhexe.

Lama oga in Ra'iisal Wasaare Rooble uu sii waddi doono socdaalkiisa gobollada dhexe uu ku marayo gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo siweyn looga hadal hayo saameynta weerarkan ismiidaaminta ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]