4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Taliyihii qeybta 21aad ee ciiddanka xoogga oo u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta Gaalkacyo
 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Taliyihii qeybta 21aad ee ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guute Cabdicasiis C/laahi (Qooje), ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay koonfurta Gaalkacyo.

Taliyaha iyo saraakiil kale oo uu kamid ahaa taliyihii ciiddanka Danab ee gobolka Mudug, Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan iyo saraakiil kale, ayaa la xaqijiyay in ay kamid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qaraxa.

Taliiye Qooje ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala waqooyiga Gaalkacyo halkaas oo la geeyay isagoo dhaawac culus ah, sida ay HOL u sheegeen dad masuuliyiin ah.

Masuuliyiinta kale ee geeridooda la xaqiijiyay waxaa kamid ah taliye ku xigeenkii ciiddanka ee Galmudug iyo duqii hore ee degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey oo kamid ahaa dadkii hormuudka u ahaa nabada Gaalkacyo.

Saraakiishan ayuu qaraxa ismiidaaminta ku helay iyagoo ku sugnaa irida hore ee garoonka kubada cagta Cabdullaahi Ciise, halkaas oo uu lagu sugayay raysal wasaaraha Soomaaliya oo kasoo safrayay magaalada Cadaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]