4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Faah faahin ku saabsan weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay galinkii danbe ee maanta afafka hore garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Qof isku soo xiray walxaha qaraxa ayaa lagu waramayaa in uu beegsaday ciidamo sugayay amniga garoonka oo lagu wadday in lagu soo dhaweeyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in weerarkan ismiidaamin ah ay ku dhinteen saraakiil ciidan iyo askar oo uu ka mid yahay taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku geeriyooday sida ay wararku sheegayaan  duqii hore ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay, halka dhinaca kale ay jiraan  saraakiil iyo ciidamo dhaawacyo culus ay ka soo gaareen qaraxan.

Weerarkan ismiidaamin ah ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo laga sugayo wafdi uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]