4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfurta Gaalkacyo xilli uu raysal wasaaraha Soomaaliya kusoo wajahnaa
 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Weerar ismiidaamin ah oo uu ka dambeeyay qof naftii hallige ah ahaa goor dhowayd ka dhacay koonfurta magaalada Galalkacyo ee Galmudug, halkaas oo lagu waday inuu gaaro raysal wasaaraha Soomaaliya oo safar dhulka ah kagasoo tagay magaalada Cadaado.

Weerarka oo ka dhacay agagaarka garoonka Cabdullaahi Ciise oo loo diyaarinayay in lagusoo dhoweeyo raysal wasaaraha ayaa waxaa ku dhintay masuuliyiin iyo saraakiil ciiddan, inkastoo weli aan la xaqiijin Karin magacyadooda iyo xilalkooda.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan inuu kamid yahay dadka dhintay duqii hore ee degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Yaasiin Tumey iyo taliye ku xigeenkii ciidanka Danab ee Galmudug.

Wixiii warar ah kala soco wararkeenna soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]