4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Ardey u afduubneyd Boka Haraam oo si nabad-galyo ah ku soo laabatay

 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) -Waxaa dib u soo laabtay ku dhawaad 300 oo ardey ah oo dhawaan ay qafaasheen xoogagga ka dagaalama dalka Nigeria ee Boka Haraam.

Ardeydan oo ahaa dhalinyarro wax ka barata Dugsiyada dalkaasi ayaa la arkayay iyaga oo lugeynaya islamarkaana gacmaha ku sita Bustayaal kuwaa oo gudaha u soo galay xarunta gobolka Katsina.

Guddoomiyaha gobolka Katsina Aminu Bello Masari oo hadlay ayaa  sheegay in dhammaan 344 wiil la siidaayay, laakiin ma uusan sheegin carruurtan lagu soo badbaadayay howlgal ay sameeyeen ciidamada iyo in kale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]