4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Beydhabo lagu soo dhaweeyay

 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Axmed Cabdiraxmaan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xassan Laftagareen iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

Mursal ayaa lagu wadaa in uu magaalada Baydbabo uga qeybgalo munaasabada sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Laftagareen, isaga oo dhinaca kalana kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha bulshada.

Safarka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhax-galay guddoomiye Mursal iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]