4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Al-shabaab oo weerartay deegaan kuyaala koonfurta Mandheera ee dalka Kenya
 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa subaxnimadii Jimcaha weerartay tuulada Elele oo u dhow deegaanka Wargaduud ee koonfurta Mandheera.

Dableyda ayaa burburiyay qalab ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee halkaas ku taalay.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, waxaa looga digay weerar ku soo wajahan waxayna ka carareen tuulada si ay uga nabad galaan qatarta.

Arintaan ayaa imaaneysa xili xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu aad u xumaaday.

Toddobaadkii hore, Soomaaliya waxay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, waxayna u qabatay dibloomaasiyiinta Kenya ee fadhigoodu yahay Muqdisho toddobo maalmood inay uga baxaan dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]