4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Booliiska Australia oo toogasho ku dilay Wiil Soomaali ah

 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL)  - Booliiska dalka Australia ayaa toogasho ku dilay subaxnimadii shalay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Caabi.

Toogashada oo ka dhacday gaar ahaan gobolka lagu magacaabo Queensland  ayeey ku eedeeyeen Booliiska wiilka ay toogashada ku dileen in uu ku hubeysnaa tooreey, isaga oo diiday ayeey sheegeen in uu isku dhiibo ciidamada.

Aabaha dhalay wiilkan ayaa sheegay in marar badan oo hore Booliiska wadanka Australia wiilkiisa ugu soo oogeen dacwado kala duwan iyo danbiyo sida uu hadalka u dhiggay uusan galin.

Balse mar uu faah faahiyay sida ay ku timid dhacdadan danbe ayuu yiri''Waxaa naloo sheegay in markii ay dhacdadan dhaceysay wiilku iska lugey-nayay meel waddada dhinaceeda ah, Booliiska ayaa isku dayay in ay joojiyaan isagana dib ayuu uga siqay waliba isaga oo jababka gacmaha ku heysta si uusan ugu muuqan qof la dagaalamaya, laakiin iyagu ay xoog ku maquuniyeen markaana ay sidaa toogashadu ku bilaabatay''  

Laakiin Booliiska ayaa ku eedeeyay Caabi in uu naftooda qatar galiyay islamarkaana isku dayay in uu ku weerarro tooreeyda uu sitay taasoo keentay ay toogtaan.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xiriira toogashadan wiilkan dhalinyarrada ah oo da'diisa lagu sheegay 22 sano jir.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]