4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Somaliland oo joojisay tartan kubada cagta ah oo loo qaban lahaa hablaha
 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa maanta joojisay tartan kubada cagta ah oo lagu waday in  loo qabto hablaha 6 gobol oo katirsan Somaliland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland ayaa lagu sheegay in tartankaan uu baalmarsan yahay diinta iyo dhaqanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay tartankaas ay oogolayd in lagu qabto goobo asturan oo aysan raggu daawanayn.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka wasaaradda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]