4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Midowga Musharixiinta oo ka hadlay ciidamo la duldhigay Aagaga ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho

 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa qeybo ka mid ah qeybo ka mid ah degmada Wadajr iyo xaafadda Buula-xuubey sida  Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, dhamaanba waddooyinka soo galla xaafaddahan oo ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin xubnaha mucaaradka ah.

Dhinaca kale War ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa tallaabadan ay qaaday dowladda ku tilmaamay daan-daansi dagaal, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo qaadanayo mas'uuliyada cawaaqibka ka dhaqan kara dhaqdhaqaaqyada militari ee socda.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta :-

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]