4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Maraykanka oo maxkamad soo taagay muwaadin u dhashay Kenya oo loo haysto inuu qorshaynayay weerar lamid ah weerarkii 9/11
   

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Muwaadin u dhashay Kenya oo loo haysto inuu ka tirsan yahay al-Shabaab tababar duuliyana  ku soo qaatay Filibiin ayaa lagu soo oogay dambiyo argagixisanimo, oo ay ka mid tahay inuu maleegayay afduub diyaaradeed oo lamid ah weerar u eg 9/11.

Cholo Abdi Abdullah, oo 30 jir ah ayaa laga qabtay Filibiin bishii July ee sanadkii 2019 waxaana la keenay Mareykanka Talaadadii si uu u wajaho lix dambi oo la xiriira argagixisanimo.

Dhageysi dacwada oo bilowdday subaxnimadii Arbacada, Abdullah wuxuu u sheegay garsooraha maxkamada Mareykanka inuu uusan wax dambi ah galin. Qareenkiisa difaacaya ayaa ku raacay garsooraha in Abdullahi uu xabsiga kusii jiro inta laga dhageysanayo bisha Janaayo.

Audrey Strauss, oo ah ku simaha qareenka Manhattan Mareykanka, wuxuu sheegay in Abdullahi uu tababar tababar duullimaad ah ku soo qaatay Filibiin isagoo qayb ka ah shirqoollada al-Shabaab ee loogu diyaar garoobayo afduubka diyaarad ganacsi, si loogu weeraro dhisme ku yaal Mareykanka.

Intii uu ku jiray tababarka duulimaadka, waxaa lagu eedeeyay inuu baaray sida loo afduubto duulimaadyada diyaaradaha ganacsiga, oo ay ku jirto sida loo jebiyo albaabka.

Sida ay dacwad oogeyaashu sheegeen. Wuxuu sidoo kale baaray macluumaad ku saabsan dhismaha ugu dheer Mareykanka iyo sida loo helo fiisaha Mareykanka.

Haddii dambigaan lagu helo wuxuu ugu badnaan wajihi karaa xukun xabsi daa’in ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]