3/4/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2020
Midowga Musharixiinta oo ka dalbaday Safiirka Turkiga in uu dhaxdhaxaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka


 

Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)- Midowga musharixiinta Soomaaliyeed ayaa qoraal ka soo baxay waxaa ay ka dalbadeen safiirka Turkiga in uu dhaxdhaxaad ka noqdo arrimaha doorashooyinka dalka, kaddib kulan dhaxmaray guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay iyo safiirka dowladda Turkiga u jooga dalka Soomaaliya.

Mehmet Yilmaz safiirka dowladda Turkiga ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, kaa oo dhawaan loo doortay xilkan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka midowga musharixiinta 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      
















Click here
12/16/2020 7:29 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL) - Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay wajahayaan rajo xumo weyn oo ku aadan ganacsigii qaadka loo iib gayn jiray Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay guud ahaanba xiriirka u jartay Kenya.

12/16/2020 6:42 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)- Iyadoo uu soconayo tijaabada tallaalka cusub ee cudurka Coved 19, waxaa ay Sahra Kaahiye noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali iyo qofkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka Alberta ee tallaalkan qaata.

12/16/2020 6:16 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo lagu helay dilka saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

12/16/2020 3:43 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

12/16/2020 1:28 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka saraakiishii dhawaan lagu laayay waddada isku xirta degmooyinka Guri-ceel iyo Ballanbale.

12/16/2020 1:12 AM EST
Arbaco, December, 16, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud [Cumar Filish] ayaa ka digay in qalalaase amni darro lagu abuuro gobolka Banaadir gaar ahaan magaalada Muqdisho.