4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2020
Dowladda oo sheegtay in Amniga Qaranka lagu soo duulay

 

Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarradda Amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho lagu tilmaami karo duulaan lagu soo qaaday Amniga Qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in xitaa dadka dibadbaxa dhiggayay aysan soo marin ama ku war-galin bannaan-baxa hay'addaha nabad-galyada.

''Dadkii shalay Muqdisho ka dhax-dagaalamay ee wajiyada u xirnaa, waxba kama duwaneyn kuwa nabad-diidka ah ee dowladdu la dagaalameyso, waana qorshe ay soo abaabuleen dad gaar ah'' ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Laakiin dhinaca kale marka la eego siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeyanaya dowladda in ay hub u adeegsatay dad si nabad-galyo ah ku cabirayay afgaartooda, inkastoo baraha bulshada laga arkayay rag hubeysan oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda oo ka dhax-dagaalamayay magaalada gudaheeda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]