4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo guddiyada doorashada

  

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtigan diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo Guddiyada Doorashada ee khilaafku ka taaggan yahay.

Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeedinayay Tayaatarka Qaranka ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo xubnaha qaar guddiyada  dareenka laga qabo.

Waxaa uu ka dalbaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo dhamaan dhinacyada ay quseyso doorashada in la fuliyo heshiiska doorashada dadban ee horey leysugu afgartay, 

Hadalka Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa imanaya xili maanta magaalada Muqdisho ka dhaceen rabashado iyo iska horimaadyo ka dhashay dibadbaxyo iska soo horjeeda oo ka dhacay caasimada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]